Boqashadii Isbitalka Banadir
Tuesday, January 11, 2022

Maamulka Dugsiga Caafimaadka Guud iyo Cilmi-Baarista JUS ayaa maanta booqasho rasmi ah kutagay Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benadir. Agaasimaha Dugsiga Ust. Abdulwahab Moalim oo uu wehliyo Madaxa Cilmi-Baarista Iyo Tababarada Ust.Gallad Dahir ayaa kulan miro dhal ah laqaatay Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Dr. Fartuun Shariif , Agaasime xigeenka Cisbitaalka Dr. Amina Sheikh iyo Madaxa Cilmi-Baarista Cisbitaalka Dr. Qalbi. Kulanka ayaa xooga lagu saaray sidda labada heyadooda ay uga wada shaqeyn lahaayeen Hormarinta Cilmi-Baarista wadanka iyo kor u qaadista xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha caafimaadka wadanka.
# Xoojinta Nidaamka caafimaadka wadanka waa masuliyad wadareed..
SPHR- SNU
